3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2019
Madaxweyne Waare oo Jowhar kula kulmay wafdi uu horkacayo Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya

 

Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa maanta magaalada Jowhar kulan kula qaatay Wafdi uu hogaaminayay Ergayga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaiya Amb James Swan,

Waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa ku-xigeenka  Wakiilka  Midowga Africa ee Somaliya wakiilka Urur Gobioleedka IGAD Safiirada UK  Italy iyo France,iyaga oo uga wada hadlay arrimo hdorw ah oo ku saabsan  xaalada Soomaaliya.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay Arimaha doorashooyinka heer  Federaal iyo heer Dowlad Goboleed sidoo kale waxaa looga hadlay  xaaladaha Amni ee deegaannada Hirshabeelle.

Qoraal maanta ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu cadeeyay mowqifka maamulka ee la xiriira doorashada sanadka 2020/21 ee doorashada Soomaaliya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 


 













Click here
12/11/2019 1:32 PM EST
Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen, xoolo iyo dhismayaal badana ay ku baaba'een duufaantii Pawan ee ku dhufatay degaanada Puntland.

12/11/2019 1:22 PM EST
Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo haatan safar dibada ah ku maqan uu diyaar u yahay kuna howlan yahay sidii looga wada hadli lahaa danaha Soomaaliya.

12/11/2019 9:22 AM EST
Arbaco,December, 11, 2019 (HOL)-Baarlamaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa weli ka doodaya soo jeedinta xeerarka cusub ee doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta.

12/11/2019 7:39 AM EST
Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Lix qodob kasoo saarey mowqifkooda ku aadan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sanadka 2020/21.

12/11/2019 7:16 AM EST
Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa dalkeeda ka difaacday eedeymaha la xiriira xasuuq loo geystay qowmiyada muslimiinta Rohingya ee dalkaas ku nool.

12/11/2019 7:14 AM EST
Arbaco,December, 11, 2019 (HOL)-Ku dhawaad 6 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaal beelleed goor dhaw ka qarxay deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan

12/11/2019 4:27 AM EST
Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Isimada iyo nabadoonada gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaada ka jirta degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, halkaasi oo degaano hoos yimaada ay ku dagaalameen labo beelood oo walaalo ah.

12/11/2019 4:15 AM EST
Arbaco,December, 11, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan magaalada Dooxa ee Dalka Qatar kula qaatay guddoomiyaha golaha shuurada Dowladda Qatar Axmed Bin Cabdallah Al Maxmuud.

12/11/2019 2:33 AM EST
Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeed ka soo saaray weerarkii xalay fiidkii lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Xarunta Madaxyooyada, halkaasoo rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay qaab lug ah ku galeen.

12/11/2019 12:29 AM EST
Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa xalay kulan ku yeeshay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo odayaal dhaqameed ka wadahadlay colaada gobolka Mudug.

12/11/2019 12:03 AM EST
Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afjaray weerar culus oo fiidnimadii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka mashquulka badan ee SYL magaalada Muqdisho.