4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2019
Hoggaamiyaha Myanmar oo iska fogeysay in dalkeedu geystay xasuuq
 

Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa dalkeeda ka difaacday eedeymaha la xiriira xasuuq loo geystay qowmiyada muslimiinta Rohingya ee dalkaas ku nool.

Aung San Suu Kyi oo haysata bilada Noble Peace prise ayaa hortagtay Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay (ICJ).

Waxay maxkamada ka sheegtay kiiska ka dhanka ah Myanmar mid aan dhameystirneyn oo aan sax aheyn.

Kumanaan reer Rohingya ah ayaa la diley in kabadan 700,000na waxay u qaxeen dalka deriska la ah ee Bangladesh intii lagu guda jiray sanadkii 2017.

Ms Suu Kyi ayaa ku adkaysatay mowqifkeeda, waxayna ku tilmaamtay rabshadaha iskahorimaad hubeysan oo gudaha ah oo sababay weerarada Rohingya ee xarumaha amniga dowladda.

Waxay u sheegtay maxkamadda inay ka go'an tahay soo celinta dadka ka soo barakacay Rakhine, waxayna maxkamadda ka codsatay inay ka fogaato ficil kasta oo sii xumayn kara khilaafka.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]