4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2019
Gudoomiyaha Aqalka sare BFS oo Madaxda dalka Qadar kala hadlay xaaladda Soomaaliya

 

Arbaco,December, 11, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan  magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula qaatay guddoomiyaha Golaha shuurada Dowladda Qatar Axmed Bin Cabdallah Al Maxmuud.

Kulanka labada guddoomiye waxaa ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah labada Baarlamaan, Kaalinta dowladda Qatar ay ka qaadato  dib u dhiska Dowladnimo ee dalka Soomaaliyeed, Qadiyadda reer Falastiin  iyo sidii Labada Baarlamaan ay u garab istaagi lahaayeen Shacabka  dhibaatayaan ee reer Falastiin

Labada Guddoomiye waxaa ay isku af garteen in labada Baarlamaan ay yeeshaan xiriir adag iyo wada shaqayn dhow, isla markaasna ay is waydaarsadaan khibradaha sharci dajineed ee labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]