4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2019
Dowladda oo soo afjartay Howlgalka weerarkii lagu qaaday Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho

 

Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afjaray weerar culus oo fiidnimadii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka mashquulka badan ee SYL magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa sheegay in ciidamada dowladda dileen gabi ahaanba kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana weerarkan ku dhintay 5 ruux oo Labo ka mid ah ahaayeen dad shacab ah iyo saddex Askar oo ka mid ahaa ciidamadii howlgalka ka waday gudaha hoteelka.

Weerarkan oo dhacay 7:00 fiidnimo ee xalay ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-shabaab, waxaana uu u muuqday mid ka duwan weerarradoodii hore oo intooda badan ku bilaaban jiray Qarax ismiidaamin ah, balse markan hoteelka SYL waxaa gudaha u galay dabley hubeysan oo aan adeegsan wax qarax ka hor inta aysan rasaasta bilaabin, waxaana la sheeagay in ay ku labisnaayeen dareyska cidiamada dowladda.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in laga badbaadiyay gudaha hoteelka intii uu howlgalku socday in ka badan 80 ruux oo isugu jiray dad shacab ah iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka xalay ku dhintay weerarka hoteelka SYL uu ka mid ahaa Garyaaq ka tirsan maxkamada Rafaanka oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Cumar Cabdi

Waa weerarkii ugu cuslaa muddo Shan bilood ah kaddib oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]