4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Booliska oo sheegay 82 ruux in laga badbaadiyay hotelka SYL

Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Taliska Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray weerar fiidkii hore ee caawa koox hubeysan ay ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya Xuseen ayaa warbixin ay baahisay waxaa ay ku xaqiijisay in ciidammada  amniga ay soo badbaadiyeen illaa 82 ruux oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin hoteelka oo ku yaalla goob amnigeeda aad loo ilaaliyo.

“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL, iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka bannaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada ammaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka.” Jen Zakiya ayaa sida ku sheegtay warbixinta ay baahisay.

Weerarka ayaa ku aadday xilli hoteelka ay ka socotay bandhig buug oo ay ka qeybgalayeen qeybo Bulshada ka mid ah iyo mas’uuliyiin, waxaa kalo hoteelka oo ku dhow xarunta madaxtooyada xilligaa ku sugnaa Xildhibaanno iyo Odayaal dhaqameed.

Kooxda weerarka qaadday ayaa la sheegay qaab lug ah inay ku gaareen hoteelka iyagoo xiran dharka ciidammada, mana jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha amniga oo lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]