4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Muqdisho: Weerar ka dhacay hotel SYL

Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Rag hubeysan ayaa weerarray hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

“Weerarka wuxuu ku billowday bam-gacmeedkaddib rasaas ayaa xigtay.” ayuu yiri qof ka mid ah Dadka hotelka ku sugnaa xilliga uu weerarka dhacay.

“Cid gudaha hotelka usoo gashay ilaa hadda ma aanan arag.” ayuu ku daray.

Ciidammo amniga ayaa gaaray hotelka. Ma jirto khasaaro la xaqiijiyay wali.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Hotelka uu weerarka ka dhacay ayaa ku dhow xarunta madaxtooyada , wuxuuna ku yaalla goob amnigeeda aad loo ilaaliyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]