4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Wararkii ugu danbeeyay deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Mudug

 

Talaado, December, 10, 2019 (HOL)-Wararkii ugu danbeeyay ee saakay ka imanaya deegaannadii lagu dagaalamay ee Bariga gobolka Mudug gaar ahaan degmada Towfiiq oo shalay ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beelleed.

Inta ogyahay ilaa 20 Ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalkii maalintii shalay ka dhacay deegaannadaa oo ahaa mid saamey ku yeeshay dadka ku dhaqan deegaannada dirirtu ka dhacday.

Dagaalka Labada beelood ayaa salka ku haya lahaanshaha Dhul halkaasi ku yaalla, waxaana Khamiistii la soo dhaafay oo uu bilaawday dagaalka ka dhashay khasaaro xooggan.

Dadka ku dhaqan degaannada lagu dagaalamay gaar ahaan degmooyinka Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee Gobolka Mudug waxaa ay sheegeen in ay wali ay jirto cabsi laga qabo dagaalo kale oo dhaca.

Dowladda Soomaaliya,Maamulada Puntland,Galmudug,Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah waxaa ay ugu baaqeen in dagaalka la joojiyo,isla markaana miiska wada-hadalka wax walba lagu dhameeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]