4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Bandhigga Carwada Buugaagta oo maanta ka furmaya Laas-caanood

 

Talaado, December, 10, 2019 (HOL)- Magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray Wafuud lagu wado in ay ka qeybgalaan Bandhigga Carwada Buugaagta oo maanta ka furmaya.

Guddiga qaban-qaabada Bandhigga ayaa sheegay ayaa sheegay in ay soo gaareen magaalada Wafuudii ugu horeysay ee ka timid Itoobiya, Kenya, Soomaaliya qaybeheeda kala duwan, waxaana lagu waddaa in ilaa iyo maanta ay soo gaaraan magaalada wafduud hor leh.

Bandhigan oo ah kii ugu balaadhnaa ee lagu qabto magaalada Laas-caanood ayaa waxa uu mashquul ka dhigaydhamaan Ururada dhalinyarada si ay u dejiyaan martida tirada badan ee ku soo qulqulaya magaalada Laascaanood.

Bandhigan ayaa la filayaa in soo jiido bulshooyin badan sida ay qabaan dadka aqoonyahanka ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood