4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo mar kale dood ka yeelanaya Sharciga Doorashooyinka

 

Talaado, December, 10, 2019 (HOL)- Kulan maanta oo Tallaaado ah ku yeelanayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka xaruntooda magaalada Muqdisho ayeey mar kale dood ka yeelanayaa Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan loo soo gudbiyay.

Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee sharciga doorashooyinka ayaa sharcigaan u gudbiyey Golaha Shacabka, kaddib markii wadatashiyo ay kala soo sameeyeen Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Xildhibaannada ayaa Akhrinta Labaad marinaya hindise Doorashooyinka Qaranka,waxaana xusid mudan in Sharciga doorashooyinka qodobada qaar ay isku khilaafsan yihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii,Axadii iyo Isniintii waxaa ay yeesheen kulamo is-xigxiga, waxaana kulankii ugu danbeeyay ay su’aalo ku weydiiyeen qaar ka mid ah Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo saraakiisha hay’addaha socdaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]