4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2019
Maxaa ka soo baxay kulan Kismaayo ku dhaxmaray madaxweynaha Jubbaland iyo taliyaha ciidamada AMISOM

 

Isniin, Augusto, 05, 2019 (HOL) - Magaalada Kimaayo waxaa maanta gaaray taliyaha ugu sareeya howlgalka midowga Africa AMISOM Tigabu Yilma , isaga oo kulan la yeeshay madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Qoddob-ka ugu weyn ee kulanka labada mas’uul ayaa ahaa arrinta doorashada lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo Jubbbaland iyo kaalinta howlgalka midowga Africa ee doorashada.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Kismaayo warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in kulanka looga wada hadlay sidii leysaga kaashan lahaa arrimaha Nabad-galyada marka ay timaado doorashada, isaga oo meesha ka saaray wararka ku saabsan in AMISOM dabacsan tahay fara-galin ay ku sameyso doorashada.

Madax-weyne ku-xigeenka ayaa intaa ku darray in sidoo kale kulanka leyskula soo qaaday sidii loo dardar-galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee deegaannada Jubbaland.

Wuxuu sheegay in ugu dambeyntii leysu afgartay in si wadajir ah leysaga kaashado Amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

Kismaayo sidoo kale waxaa ku sugan xubno ka socda Urur gobolleedka IGAD oo kulamo la qaatay guddiga doorashada Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]