4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Muqdisho Kulan Kula Qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka


Isniin, Augusto, 05, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo Muqdisho soo gaaray

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisada iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.

David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah oo ku dhisan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]