4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2019
Dad Shacab ah oo ku dhintay rasaas lagu furay gaari ay la socdeen

 

Isniin, Augusto, 05, 2019 (HOL) - Saddex ruux oo shacab ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhintee rasaas lagu furay gaari ay la socdeen waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga rasaasta lagu furay oo noociisu ahaa NOHA ay ku dhinteen saddex ruux oo la soctay kuwaa oo mid ka mid ah la sheegay in ay aheyd gabar dhalinyaro oo wax ka baran jirtay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho.

Lama oga sababta rasaasta loogu furay gaariga iyo kooxda weerarkan geysatay, hasse ahaatee waddada isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ka mid ah jidadka ugu halista badan oo ay dadku isaga gooshaan.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale rasaas lagu furo gaari ay la socdeen dad rayid ah oo adeegsanayay waddadaas, waxaana weerarrada ugu badan ka geysta xoogagga Al-shabaab oo bartilmaameedsada gaadiidka ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]