4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2019
Wafdi ka socda Urur gobolleedka IGAD oo la kulmay guddiga doorashada Jubbaland

 

Isniin, Augusto, 05, 2019 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa warbaahinta faah faahin dheeraad ah ka siiyay kulan ay magaalada Kismaayo kula qaateen wafdi ka socda Urur gobolleedka IGAD.

Kulanka oo ahaa mid is xog wareysi ah ayaa inta badan looga hadlay shaqada guddiga iyo halka ay marayaan howlaha doorashada, waxaana uu guddigu sheegay in socdaalka wafdiga Urur gobolleedka IGAD uu ku saabsanaa u kuur-galida sida ay wax u socdaan.

‘’Markii horeba xiriir ayaa naga –dhaxeeyay oo IGAD guddiga laftirkiisa ayeey tababar ku siisay magaalada Nairobi, haddana waxey doonayeen in ay arkaan howlaha socda, waxaan siinay xog ku saabsan sida ay wax u socdaan iyo howlaha guddiga ee la xiriira arrimaha doorashada ayuu yiri’’ guddoomiyaha.

Marka laga soo tago guddiga doorashada xubnaha IGAD kama aysan hadlin kulanka ay la qaateen guddiga iyo wax-yaabihii ay ka wada hadleen, iyadoo la ogyahay shakiga faraha badan leh ee ku gadaaman doorashada oo musharixiinta iyo siyaasiyiintu isku khilaafsan yihiin sida ay wax u socdaan

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]