4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2019
James Swan oo shirka Golaha Ammaanka uga waramay khilaafka ka taagan doorashada Jubbaland

 

Arbaco, Augusto, 21, 2019 (HOL)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta ka hadashay ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka Qarramada Midoobey James Swan waxaa uu mar kale ku celiyey in loo baahan in hannaan keliya oo  heshiis lagu wada yahay lagu galo doorashada Jubaland, waxaana uu ka  digay qalalaase dhacay.

James Swan waxa uu ugu baaqay dhinacyada Kismaayo in si kasta oo ay ahaato natiijada doorashada berri ee Jubbaland, in looga baahan yahay inay ka fogaadaan gacan ka hadal isla markaana khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal.

Dhinaca kale, waxaa shirkaasi kaddib Arrimaha Soomaaliya kalala hadlay  saxaafadda Xiriiriyaaha Arrimaha SIyaasadda ee Biritan Stephen Hickey.

“Ugu horrayn doorashooyinka Jubbaland ee dhacay berri wa amuhiim inay ku dhacaan amni, nabadgelyo iyo daah furnaan. Waxaa taasi xigta doorashada 2020-ka, waxaana loo baahan yahay bartilmaameedyo ay tahay inay dawladdu hanato ka hor doorashada, waxaa kale oo aan diiradda saaraynaa amniga xilliga kala-guurka ah si ciidamada Soomaalida ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan ciiddamada AMISOM ee haatan ku sugan waddanka.”

Maalinta Kismaayo ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in ay ka dhacdo madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland, waxaana jirta baqdi laga qabo in mar kaliya halkaa looga wada dhawaaqo labada madaxweyne oo iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]