4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2019
Shir ku saabsan fahamka iyo hormarinta Cilmiga Tiknoolajiyada oo laga daah furay magaalada Muqdisho


Arbaco, Augusto, 21, 2019 (HOL)-Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen mas'uuliyiinta Jaamacaddaha SIMAD iyo Jamhuuriya ayaa looga wada hadlayaa inta uu socdo fahamka iyo hormarinta Cilmiga Tinoolajiyada.

Eng Maxamed Axmed Maxamuud madaxa Jaamacada Jamhuuriya iyo waliba madaxa Jaamacada SIMAD Daahir Xassan Carab ayaa labada ka soo qeybalayaasha kulanka u sharaxay muhiimada uu kulanka leeyahay oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale ardeyda heerkooda Aqoonta uu gaarsiisan yahay Cilmiga Science iyo techology -da..

''Waa gole Soomaaliyeed oo ay ku kulmaan Aqoonyahanka Soomaaliyeed oo ay isku dhaafsadaan mashaakilaadka Umadda heysata gaar ahaan dhinaca Science iyo techology-da iyadoo la adeegsanayo Cilmi Baaris, ayuu sheegay madaxda Jaamacadda Jamhuuriya.

Madaxa Jaamacadda SIMAD Daahir Xassan Carab oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay kalsooni buuxda ku qabo in Aqoonyahannada khudbadaha ka jeedin doona kulanka inta uu socdo iyo in ay soo saari doonaan Cilmi Baaris lagu hormarinayo fahamka Tiknoolajiyada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Feysal Cumar Guulleed oo shirka hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shirkan oo uu ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh Wasaaradda, isaga oo u mahad celiyay dhamaan qaban-qaabiyayaasha iyo ka soo qeybgalayaasha.

''Kulamada Jaamacadda iyo Aqoonyahanka Annaga ka wasaarad ahaan muhiim ayuu inoo yahay, maxaa yeelay waa dad aynu isku bah-nahay, muddada uu kulanku socdo wax badan ayaan is dhaafsan doonaa, ''ayuu yiri Wasaarka.

Wasiir Feysal oo dhinaca kale ka hadlay tayada Jaamacaddaha Soomaaliyeed ayaa sheegay'' Qaar ka mid ah qurbarada wadamda ina siiya deeqaha Waxbarashada oo arkay sida ay u shaqeeyaan Jaamacaddaha dalka waxey inoo sheegeen in aysan jirin sabab Ardeyda Soomaaliyeed dalka dibadiisa ay waxbarasho ugu tagaan'' ayuu yiri Wasiirka.

Kulanka ayaa la filayaa in uu socdo muddo labo cisho ah iyadoo halkaa leysku dhaafsan doono aqoon isweydaarsi iyo cilmi baaris la xiriirta caqabadaha ka jira dhinaca Tiknoolajiyada iyo sidii sare loogu qaadi lahaa fahamka bulshada ee cilmiga  Science iyo techology -da.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]