4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2019
Kenya oo ku guuleysatay matalaada Kursiga Africa ee Golaha Ammaanka Qarramada Midoobey

 

Arbaco, Augusto, 21, 2019 (HOL)-Dowlada Kenya ayaa  ku guulesatay matalaada kursiga Afica ee Golaha Ammaanka Qarramada Midoobey, kaddib codbixin ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dawladda Kenya ayaa ku guulaysatay kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2021-ka illaa 2022-ka, kadib markii ay ka guuleesatay dowlada Jabuuti.

Doorashadan ama Cod-bixin oo  ka dhacday magaalada Addis Ababa ayaa dowlada Kenya waxaa ay  heshay  37 cod, halka Jabuuti heshay 13 cod, waxa ayna sidaasi dowlada Kenya ku  mataleysaa kursigii ka bannaanaa xubnaha aan joogtada ahayn golaha  ammaanka ee Qaramada Midoobay

Labada dowladdood Kenya iyo Jabuuti ayaa loola xoogan u galay ku guuleesiga kursigan ka banaanaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana Kenya olole xoogan u gashay sidii ay kursigan ugu guuleesan laheyd.

Dowladda Soomaaliya ayaa  ayaa codkeeda ku taageertay dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana ku guuleesiga kursigan ee dowlada Kenyan niyad jab ku  tahay dowlada federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]