4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2019
Wasiir Beyle oo ka hadlay sababta loo soo daabici la yahay lacagta Shilinka Soomaaliga

 

Arbaco, Augusto, 21, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa ka hadlay halka ay mareyso daabicidda lacagta cusub ee Soomaaliya iyo cafinta deymaha lagu leeyahay dalka Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dowladda aysan dhaqaale ahaan isku filnayn islamarkaana ku tiirsan tahay kaalmada wadamada kale.

Wuxuu sheegay in  lacagta cusub qarshkii lagu soo daabici lahaa uu  maqan-yahay marka ay dowladaha u bandhigaanna wixii ay ka soo helaan ku  dabaraan Mushaarka Ciidanka,hay’adaha dowladda iyo mushaarka shaqaalaha  dowladda.

Wasiir Beyle ayaa codsaday in aan lagu  celcelin su’aasha ku saabsan daabacadda Lacagta cusub oo uu sheegay in  ay u xayiran tahay lacagtii lagu soo daabici lahaa, waxaana uu intaas  raaciyay in ay danta ku kalliftay in uu waqti cayiman sheegi waayo.

Waxaa wasiirku sheegay in lacagtaas oo cadadkeedu dhan yahay 42 Milyan oo doollar ah ay hadda kala bar ka hayaan inta kale ku dadaalayaan.

Sidoo  kale Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in ay muddo qaadanayso sidii looga  cafin lahaa deymaha Soomaaliya ay u leeyihiin dalalka caalamka, isaga oo ugu danbeyntii  ballanqaaday in dhamaadka sanadka 2019 ay Soomaaliya heli doonto lacag cusub oo ay iyada leedahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]