4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2019
Salaad Cali Jeelle: -Waxaa jira dibadbaxyo dowladda ka dhan ah oo ay mucaaradku qabanqaabinayaan

 

Arbaco, April, 17, 2019 (HOL)–Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ka war heyso sida uu hadalka u dhigay dibadbaxyo waaweyn oo ay qabanqaabinayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo xisbiyada qaarkood.

Wuxuu sheegay in dibadbaxyada la qabanqaabinayo in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho lagu bixinayo dhaqaale laga keenay Imaaraadka Carabta, isaga oo hadal qaaday mid ka mid ah siyaasiyiiinta Soomaaliyeed in uu arintan ku lug leeyahay.

“Waxaa la qabanqaabinayaan dibadbax ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay qaban qaabinayaan mucaaradka iyo Xisbiyo halkaan fadhiya, waxaa banaan baxa la rabaa in lagu wiiqo jiritaanka umadda iyo dowladnimada, waxaa ognahay in dad u adeegaya dowlado shisheeye ayaa banaan baxan wada”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Wuxuu sheegay in dibadbaxyada uu qeyb ka yahay dadka gadaal ka riixaya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Shirma’arke oo horay dalka uga soo noqday ra’iisal wasaare.

Inkastoo Salaad Cali Jeelle inta badan soo muuqda warbaahita ayaa sheegtay in uu guddoomiye ka yahay mid ka mid ah xisbiyada siyaasada dalka, laakiin dhanka kale marka la eego waxaa uu siweyn ugu xiran yahay dowladda Soomaaliya isaga oo hadalo kulul ku weerara siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda ka soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]