Talaado, April, 16, 2019 (HOL) – Xaflad uu xilka kula
wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa maanta
ka dhacaday xarunta Wasaaradda.
Xafladda waxaana
ka soo qaybgalay Ra’iisul wasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka cusub ee Wasaaradda
Arrimaha Dastuurka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Wasiiro dowlaha Xafiiska
Ra’iisulwasaaraha, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista
Dastuurka iyo Hirgelinta Dastuurka, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka
Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha Gudigga
Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Masuuliyiin ka socotay hay'adaha UNDP
iyo Maxplanck, iyo howlwadeenada Wasaaradda.
Ugu horeeyn, labada Gudoomiye ee Gudiyada arrimaha
Dastuurka ayaa khudbado soo dhaweeyn ah ka jeediyay xafladda iyagoo
ballanqaaday inay si dhow u la shaqeeyn doonaan wasiirka cusub.
Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo xilka
wareejinayay ayaa khudbad uu ka jeediyay xafaladda waxa uu kaga hadlay guulihii
ay wasaaradda gaartay laga soo bilaabo sanadkii 2017ka ilaa iyo maanta, Wasiir
Ku-xigeenka waxqabadkii uu sheegay waxaa kamid ahaa hagaajinta hab-maaamulka
Wasaaradda, aas-aasidda Madasha ay ku kulmaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee
DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, qabashadii Shir-weynihii Qaran ee lagu
Daah-furay Ollolaha Dib-u-eegista Dastuurka, xoojinta arrimaha wacyigelinta
bulshada ee sare u qaadidda ka qaybgalka dadweynaha ee arrimaha dib-u-eegista
Dastuurka, iyo arrimo kale oo waxqabadka wasaardda kamid ahaa.
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane
Saalax Axmed Jaamac oo khudbad jeediyay kadib markuu xilka la wareegay ayaa
yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka ee anigoo aanan doonan ii dhiibay
xilkan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si dhow idiin la shaqeeyo, ma noqon
doono carqalad idinku soo korortay ee howshii sideeda ayay u sii socon doontaa.
Waxaan ka dalbanayaa dhamaan Gudiyada, Madaxda Xukuumadda iyo dhamaan
howlwadeenada Wasaaradda inaan isku garab istaagno dhameeystirka Dastuurka ee
muddo soo jiitamayay si aan u helno Dastuur dhameeystiran oo ku yimaado
wadajir”.
Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed
Guuleed Khadar oo xafladda soo xiray ayaa ugu horeeyn Alle ugu baryay Wasirkii
hore Avv Cabdi Xoosh inuu Alle Janatul Firdowz ka waraabiyo, dhanka kale waxuu
Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu howsha Wasaraadda sii dar-dargeliyo,
wuxuuna howlwadeenada Wasaaradda ku ammaanay guulaha ay gaareen labadii sano ee
la soo dhaafay.
Ugu dambayn, Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka wuxuu sheegay in
madaxda sare ee Qaranka ay ka go’antahay dhameeystirka Dastuurka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]