4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Wasiirka Amniga oo sheegay in dhawaan la soo magacaabayo taliyaha hay’adda NISA

 

Isniin, April, 15, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasaarradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw [Ducaale] oo shalay hortagay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magacaabayo taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

Hay’addan ayaa ku dhawaad 7 bilood wax taliye ah laheyn kaddib markii uu xilka iska casilay Xusseen Cismaan Xusseen oo xiligaa ku biiray musharixiintii u taagneyd xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa hadalka ka dhax sheegay Golaha kaddib markii la weydiiyay su’aal la xiriirta sababta ilaa waqtigaa hay’adda Nabad-sugida aysan u laheyn wax taliye ah.

Waxaa hadda jooga oo ku sime ka sii ah Fahad Yaasiin oo dhinaca kalana ah ku-xigeenka taliyaha hay’adda Nabad-sugida. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]