3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2019
Miltariga Sudan oo loogu baaqay in ay xukunka wareejiyaan

 

Isniin, April, 15, 2019 (HOL) – Aasaasayaasha ugu waaweynaa ee banaanbaxyadii ka socday Sudan ayaa ugu baaqay Miltariga kuxunka afgambiga uga riday todobaadkii hore madaxweynihii dalkaasi soo xukumayay 30ka sano, Cumar Xassan Al-bashiir inay talada ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Axaddii shalay, ayaa Golaha milatariga waxey sheegeen inay soo magacaabi doonaan Ra’isul Wasaare iyo gole wasiiro oo rayid ah, oo ka caawiya maamulka dalkaas,laakiin aysan qof rayid ah u magacaabi doonin xilka madaxweynaha Sudan.

Afhayeen u hadlay Milaratiga ayaa sidoo kale sheegay in Golahan aysan qorshaha ugu jirin inay hor istaagaan dadka dibad baxaya weli sii wada.

Weli macadda in dadka banaan baxayaa oo dalbanayay in milatarigu uu si deg deg ah oo shuruud la’aan ah uu xukunka ku wareejiyo ay ku qanci doonaan dhawaqa ka soo yeeray milatariga iyo in kale.

Isutagga Xirfadleyda Sudan, oo baaqyada lagu doonayo xukumad rayid ah horsed ka ahaa ayaa shacabka dalkaasi ku booriyay inay isugu soo baxaan dibad baxyo dheeri ah ilaa inta dalabkooda laga aqbalayo.

Banaanbaxyo soo bilowday 19kii December ee sanadkii hore oo looga soo horjeeday Madaxweynihii hore Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa todobaadkii hore keenay in milatarigu uu soo farageliyo oo uu xukunka ka tuuro al-bashiir.

Laakiin miltariga ayaa sheegay in xukunka dalkaasi ay sii heyn doonaan muddo laba sano ah, taasoo weli ay inta badan shacabka Sudan ka soo horjeedaan.

VOA 













Click here
4/15/2019 2:07 PM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen qof la sheegay in uu ka tirsanaa dadka degmada ku dhaqan.

4/15/2019 12:10 PM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) - Maanta oo ay taatiikhdu tahay 15ka bisha Abril, 2019, waxaa ka soo baxay wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaarka ah, War murtiyeed lagu sheegay in dhamaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu ay laba maalmood ku lahaayeen magaalada Muqdisho kulan looga tashanayey fulinta mashruuca ka jawaabidda xilliga dhaw ee xaaladaha deg degga ah.

4/15/2019 8:59 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga uga jaray saddex wiish (Mobile Harbor Crane) oo cusub loogu talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.

4/15/2019 7:08 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hoggaaminayey maamullaha shirkadda Sultan Axmed Bin Sulayem.

4/15/2019 6:44 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) - Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Qabridahare Shiwaynihii 2aad ee Golaha dhexe ee Ururka ONLF. Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda Ururka ugu sareeya, iyo dhammaan xubnaha Ururka ee degaanka iyo dibadda ku sugan. Sidoo kale Odayaal dhaqameedka degaanka ayaa iyaguna qayb ka ahaa Shirwaynahan.

4/15/2019 3:39 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL)– Puntland ayaa joojisay ka ganacsiga hubka iyo agabka ciidammada,iyadoo digreeto ka soo baxday wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan lagu sheegay in si loo sugo amniga dadka iyo dalka ay muhiim tahay mamnuucista soo dajinta,dhoofinta iyo ganacsiga hubka iyo agabka ciidanka.

4/15/2019 2:21 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL)–Wasiirka Wasaarradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw [Ducaale] oo shalay hortagay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magacaabayo taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

4/15/2019 1:11 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) – Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay ku-xigeenkii Daacishta Soomaaliya.

4/15/2019 12:45 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) – Ka dib muddo Afar sano ka badan oo uu dagaal qaraar ka socday dalka Yemen, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof, malaayiin kalena qarka u saaray macluul, ayaa haatan Jabhadda Xootiyiintu waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay xiriir la yeeshaan Mareykanka, sidaasina waxaa VOA-da u sheegay sarkaal u qaabilsan xootiyiin Arrimaha dibadda.

4/15/2019 12:34 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) –Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho saddex ruux la socday gaari yar oo kuwa raaxada ah ayaa toogasho lagu dilay xalay kaddib markii ay weerar ku soo qaadeen rag hubeysan oo iyaguna watay gaari kale.

4/15/2019 12:07 AM EST
Isniin, April, 15, 2019 (HOL) – Kulan ay isugu yimaadeen guddiga Amniga dowladda Soomaaliya ayaa looga digay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho dhigista dibadbaxyo kale oo rabshado wata, waxaana kulanka warbixin looga dhigeystay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.