5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2019
Madaxweyne Farmaajo : Ma Aqbaleyno dibadbaxyo rabshado wata

 

Sabti, April, 13, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay dibadbaxyadii cuslaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, isaga oo sheegy in aan marnaba la aqbali doonin dibadbaxyo rabashado wata dowladdu-na gacan bir ah ku qaban doonto.

Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu qabtay degmada Warta-Nabada [Ex Wardhigley] ayaa sheegay in dowladdu marnaba u dulqaadan doonin sida uu hadalka u dhigay dibadbaxyo burbur iyo dhibaato geysanaya, isaga oo dhinaca kale u tacsiyeeyay qoyskii ay ka baxeen labadii ruux ee maanta Askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay magaalada Muqdisho.

‘’Wax kasta oo dhaca dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dhinacyo badan oo dibadbaxyada ku lug leh, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Ururka Al-shabaab oo sida uu hadalka u dhigay markii loo adkaaday dagaalka raba ayuu yiri in ay Shacabka ku soo dhax dhuuntaa.

Askarta dowladda Soomaaliya ayuu ku amaanay doorka ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo wax uu ugu yeeray [Cadawga] sidaa daraadeed dhamaantood aheyn dad wada xun.

‘’Ciidamadu ma wada xumo, qof iyo labo wanaagsaneyn waa ay ku jiri karaan, askari kasta oo dil u geysta shacab meel kasta oo uu gallo waan uga daba-taggi doonnaa’’ meel uu gabaad ka dhigan karo ama uu ku baxsan karo ma jirto’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo khudbadiisu u badneyd dhaleeceyn iyo hanjabaad ayaa soo hadal qaadin marnaba dad la sheegay in ay maanta toogasho ku dileen ciidamada dowladda xiliggii ay socdeen dibadbaxyada.

Mar uu soo hadal qaaday taageerada dowladda ee shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri’’ Waad ogtihiin habeenkii nala doortay sidii aad noo soo dhaweyseen, ilaa iyo haddana shacabku waa ay na taageersan yihiin, maxaa yeelay dowladdu waa dowlad nadiif ah, waa dowlad amaanno leh, waa dowlad aan tuug aheyn ‘’ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay dibabadxyadii ugu xoogga badnaa billihii ugu danbeeyay oo ay dadweynuhu dhiggaan, iyaga oo cabanaya ciidamada dowladda oo dilal ula kac u geysta dadka shacabka, waxaana rabashadii maanta dadka wax yeelladu ka soo gaartay gaarayaan in ka badan 10 ruux oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]