4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Banaan-bax maanta ka dhacay Xaafadda Addis kella ee Diridhabe

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Xaafada Addis kella ee Diridhabe waxaa maanta ka dhacay banaan bax ay isugu soo baxeen shacabka Soomaaliyeed ee xaafaddaas deggan iyagoo watay boodhadh ay ku qornaayeen " Waxaanu doonaynaa Cadaalad ".

Shacabka xaafaddaas deggan ayaa ka cabanaya dhawr qodob oo ka mid ah nolosha aasaasiga ah, sida biyaha iyo jid xumo ka jirta xaafadaas iyo dhammaan xuquuqihii ay xaafadi lahaan lahayd oo ka maqan xaafaddan.

Xaafaddan la yidhaahdo Addis kella ayaa ah xaafad inta badan ay deggan yihiin Soomaali, waxaana dhex mara wadada u baxda Dambal iyo Jabuuti oo ay maraan gawaadhida waawayn ee raashinka iyo alaabta qaada.

Dawladda ayaa in badan cabashada xaafaddan loo gudbiyay balse ilaa iyo hadda ma jirto wax looga qabtay cabashadooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]