4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Duqa Muqdisho oo ku amray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askari dilay darawal bajaajle ah

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxman Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno.

Guddoomiye Yariisow ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa raadsanayay.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in dilalka dhalinyarada Bajaajle-yaasha ah ay ku soo laalaabteen Muqdisho, dilkii ugu danbeeyey ee uu geysay shaqsiga ka tirsan CiIdanka Ilaalada deegaanka Xamarna uu Maamulka Gobolka Banaadir aad uga xumaaday qaadayana tallaabo walba oo caddaaladda lagu marsiinayo shaqsigii dilka geystay.

“Waxaan farayaa Hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka danbeeyey dilka darawalka Bajaajlaha ahaa oo lagu magacaabo Maxamed Deeq Cabdi Aadan, si caddaaladda loo horkeeno, Maamulka Gobolka Banaadirna waxaa ka go’an in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo ku xadgudbaysa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqaysa Bajaajka oo dilalkoodu soo noq-noqday”.

Duqa Muqdisho ayaa tacsi u diray ehellada dadka uu ka geeriyooday wiilkii waday Mooto Bajaajka, isagoo u caddeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Caasimadda, shaqsigii dilka geystayna caddaaladda la horkeeni doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]