3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Darawalada Gaadiidka Mooto Bajaajka oo dibadbax ka dhigay Muqdisho

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Isgoyska KM4 waxaa isku socodka dadka iyo gaadiidka xayiray dibadbax ay dhigayaan Darawalada ku shaqeysta gaadiidka yaryar ee Mooto Bajaajka, kuwaa oo ka cabanaya dilalka joogta noqday oo ay ciidamada dowladda ku hayaan.

Dilkii ugu danbeeyay ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha dowladda Soomaaliya waxaa uu mid ka mid ah darawalada Mooto Bajaajka uu ku dilay degmada Waabari, taasoo caro weyn ku abuurtay dhalinyarada ku shaqeysatay gaadiidkan.

Falka lagu toogtay darawalka waxaa ka hadlay duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo sheegay in askariga toogashada geystay lagu magacaabo Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha ay ku raad joogaan ciidamada Amniga.

Dibadbaxan ka soconaya Isgoyska KM4 ayaa hakad galiyay isku socodka gaadiidka oo markii horeba dhibaato ku qabay xirnaashaha jidadka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa siweyn loogu eedeeyaa in dilalka darawalada ku shaqeysta gaadiidka yar yar ee Bajaajka, kuwaa oo qaarkood loo dilo lacago sharci darro ah oo ay ka biyo diidaan in ay siiyaan ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
4/1/2019 2:26 PM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Dowladda Belgium ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka Shaqaalaha iyo midka Diblomaasiga ee Soomaaliya ee loo yaqaano Service and Diplomatic.

4/1/2019 11:48 AM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)–Xaafada Addis kella ee Diridhabe waxaa maanta ka dhacay banaan bax ay isugu soo baxeen shacabka Soomaaliyeed ee xaafaddaas deggan iyagoo watay boodhadh ay ku qornaayeen " Waxaanu doonaynaa Cadaalad ".

4/1/2019 11:41 AM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Waxaa si rasmi ah u furmay shirwaynihii 10aad ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya, shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan xubnaha Xisbiga, Odayaasha degaanka iyo waxgaradka, iyo sidoo kale xubno ka socday Xisbiyada degaamada dalka.

4/1/2019 8:42 AM EST
Isniin, Apriil,0 1, 2019 (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in wada hadalkii u dhexeeyey xisbiga KULMIYE iyo WADDANI ee ku saabsana xaga doorashooyinka uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

4/1/2019 8:40 AM EST
Isniin, Apriil,0 1, 2019 (HOL)- Madax dhaqameed reer Hargeysa ah ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyey inay doonayso inay dawladda Jabuuti u gacangaliso ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo dawlada Jabuuti dalbatay in loo soo qabto.

4/1/2019 7:20 AM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiggii 5aad ee golaha Aqalka, ayaa sheegay in uu wakiil ka yahay madaxweynaha oo aan ka soo qeybgalin munaasabada.

4/1/2019 7:02 AM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxman Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa faray laamaha amniga in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka u geystay muwaadin Bajaajle ah, si caddaaladda loo horkeeno.

4/1/2019 2:14 AM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)–Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Arab ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxaa ay uga digeen xukuumadda Somaliland in ganacsade Axmed Cismaan Geelle loo gacan galiyo dowladda Jabuuti.

4/1/2019 1:28 AM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Maanta oo Isniin ah 01-April ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiggii 5aad ee Golaha Aqalka sare, waxaana la filayaa in ay ka qeybgalaan munaasabada madaxda ugu sareysa Qaranka.

4/1/2019 1:03 AM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Saacadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah howlgal lagu xaqiijinayo nabad-galyada ka sameeyay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya, waxaana uu howlgalkan qeyb ka noqonayaa amarkii ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ee la xiriiray sugida Amniga magaalada.

4/1/2019 12:53 AM EST
Isniin, April, 01, 2019 (HOL) – Warar ay goor dhaw heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in mar kale uu maanta baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.