4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2019
Guddiga Amniga oo faah faahin ka bixiyay howlgallo laga sameeyay magaalada Muqdisho

 

Isniin, April, 01, 2019 (HOL)– Saacadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah howlgal lagu xaqiijinayo nabad-galyada ka sameeyay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya, waxaana uu howlgalkan qeyb ka noqonayaa amarkii ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ee la xiriiray sugida Amniga magaalada.

Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo baarayaa guryaha, iyo ciidamada qaarkood oo baaritanno ku sameynaya dadka jidadka lugeynaya.

Guddiga amniga ee loo xilsaaray Ammaanka Magalada Muqdisho, kuwaas oo ka kooban Wasiiro, Saraakiisha cidan iyo Gudoomiyaha Gobolka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalada socda.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in kulan ay yeesheen  Guddiga looga wada hadlay xaalada ami ee Muqdisho, sidoo kalena ay kormeereen Goobaha ay howlgallada ka socdaan, isaga oo intaa ku daray in howlgalladan la sii wadi doono ilaa laga xaqiijiyo nabad-galyada guud ahaa magaalada.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay soo jeediyeen baahiyaha ay qabaan ciidamada qaar,waxaana uu sheegay in xaafadaha qaar ee maagaalada Muqdisho ay weli howlgallo ka socdaan,waxaana Shacabka uu ugu baaqay in ay dulqaataan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]