4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Xarumaha Wasaaradaha


Sabti, October, 06. 2018 (HOL) –  Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, hawlaha guud, beeraha, xannaanada xoolaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir waliba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo wixii ka hir-galay.


Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey'adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla,sida lugu sheegay war saxaafadeed kormeerka looga hadlay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]