4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Turkiga oo tabbabar usoo xiray cutubkii u horreeyay ee ciidamadda Badda iyo Cirka Soomaaliya


Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Dugsiga tabbabarka Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa maanta tabbabar loogu soo xiray ciidan isugu jira saraakiil iyo saraakiil ku-xigeen oo muddo sannad ah tabbabar ku qaatay saldhigga tabbabarka ciidamadda ee Turkisom.

Xalfadda lagu dhaarinayay cidaankaasi oo ah inay si rasmi ah ugu biirayaan ciidanka xoogga ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka gaashandigga dowladda Soomaaliiya Xasan Cali Maxamed iyo taliyaha xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamadda tabbabarka dhamaystay ayaa isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka,sida u sheegay taliyaha dugsiga tabbabarka ciidanka ee Turkisom,S/guuto Cumar Faaruuq.

"Waan u hambalyeenaya ciidamadda maanta tababarka uu usoo xirmay... waa tilmaam ku tuseysa inuu ciidanka xoogga dalka uu dhismayo." ayuu yiri taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe).

War saxaafadeed u baahiyay saldhigga tabbabarka ciidamadda ee Turkisom ayaa lugu sheegay in ciidamadda tabbabarka dhammeystay la siiyay tabbabar isugu jiro waxbarasho iyo sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen xirfaddooda.

Turkiga wuxuu sheegay inay si rasmi ah u billaabatay howsha ay hayaan ciidammadiisa ku sugan Soomaaliya oo ah in dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan dhisitaanka ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed sida tabbabarka, waxbarashada, kaabayaasha militariga iyo xoojinta nabadgelyada.

" Walaalaheen Turkiga waxaan uga mahadcelinaya sida ay uga qaybqaadanayaan dhismaha iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka." ayuu yiri wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya,Xasan Cali Maxamed.

Saldhigga Turkisom, ayaa sidoo kale maanta shaaca ka qaaday in dhawaan imtixaano ay qaadeen inay ka gudbeen 185 arday oo loo qaatay in loo tabbabaro leyli Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno.

Turkiga waa saaxib weyn ee Soomaaliya muddo siddeed sanno ah, wuxuuna Soomaaliya ka caawiya dhincayada amniga, arrimaha gargaarka iyo dhismaha dalka.

Midowga Yurub iyo Marekanka ayaa sidoo kale Soomaaliya gacan ka siiya tabbabarka ciidanka, laakin taas wali dalka kama aysan saarin inuu wajiga hore kaga jira dalalka ugu hooseeya caalamka oo dhan ciidanka, waxaana ammaanka dalka ka qaybqaata ciidamo ajanabi ah oo ka socda Midowga Afrika,kuwaas oo ka qaybqaata ilaalada xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

Iman Mohamed Jama , Hiiraan Online
[email protected]