4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Trump oo taageero u muujiyay Boqortooyada Sacuudiga

 

Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) -Madaxweyne Donald Trump ayaa si weyn u taageeray dowladda Sacuudiga, xilli ay Bulshada Caalamka ay aad ugu cambaareysay Riyadh dilka wariye Jamal Kashikji.

Ka hor inta uusan u ambabixin fasax sannadeedka Mareykanka ee loo yaqaano Thanksgiving, ayuu madaxweyne Trump u sheegay wariyaasha in Mareykanka oo dhabarka u jeediya Sacuudiga ay noqoneyso qalad aad u weyn.

Waxaa kale oo uu Trump sheegay ammaanka qaranka iyo danaha dhaqaale ee Mareykanka ay aad uga weynyihiin walaaca ay qabaan kooxaha xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa tusaale usoo qaatay mucaaradnimada boqortooyada Sacuudiga ee Iran iyo hubka ay ka iibsato Dowladda Mareykanka, taasi oo uu ku sheegay in Mareykanka ka abuurtay boqollaal kun oo shaqo iyo maalgelin ku kaceysa balaayiin doollarka Mareykanka ah.

Mar la weydiiyay sida uu u arko warbixinta CIA-da ee sheegeysa in Maxamed Bin Salman uu ogaa ama amray dilka wariye Jamal Kashikji ayuu madaxweyne Trump ku jawaabay, in laga yaabo in ay dhici karto ama aysan dhici karin.

Ma ahan marki ugu horreysay ee uu madaxweyne Trump difaaco Sacuudiga, tan iyo marki ay billaabatay shakiga ah in Sacuudigu ka danbeeyo khaarijinti magaalada Istanbul lagu khaarijiyay Jamal Kashikji oo magangalyo ku daganaa dalkaan Mareykanka.

Xigasho VOA