4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Qaramada Midoobey hambalyo u dirtay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka

 

Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uqaabilsan soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa hambalyo waxaa uu udiray afhayeenka cusub ee Golaha shacabka, kaa oo shalay Muqdisho lagu doortay.

Ambadr Keating ayaa sidoo kale ku amaanay xildhibaanada Golaha shacabka qaabka daah-furnaanta leh ee ku guteen waajibkooda.

Dhanka kale Micheal Keating ayaa u mahad celiyay gudoomiyihii hore ee Barlaamanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari kaa oo soo hogaaminayay Barlamaankii 9-aad iyo kan tobnaad ee xiligan shaqeeya.

Ambasador Keating ayaa kula darmaamay dhinacyada hardanka siyaasadeed ee Soomaliya uu ka dhaxeeyo in ey had iyo jeer ilaaliyaan sareenta sharciga, taana ay muhiim u tahay baraaraha iyo horu-usocdka umadda soomaaliyeed.

Maalinimadii shalay aheed kadib muddo barlamaanka shaqadiisu ey habac iyo jahawareer siyaasadeed ay gashay kadib waxaa la doortay gudoomiye Maxamed Mursal Sh Cabdirahman oo dhawaan iska casilay xilka wasiirka difaacca soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]