Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeeyey inay farogalin
ku hayaan arrimaha Somaliland,isla markaana khalad iyo daandaansi ku tilmaamay
dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta.
Sidoo kale,waxa uu ka hadlay sicir bararka,
abaaraha iyo xaaladda guud ee Somaliland ku jirto, waxaanay sheegeen in
arrimaha qaranka uu dastuurku ogol yahay in si wada jir ah la iskugu yeedho
shirgudoonka golaha Wakiiladda, Guurtidda iyo labada xisbi mucaarad.
“Waxaad ka war qabtaan in dawladda Muqdisho ay
dacwad geysay golaha Ammaanka, dacawaddaas oo ku saabsan Somaliland
dhulkeeda oo ah heshiiska ay dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen,
gaar ahaan DP World iyo mashaariicda aynu la galnay in Berbera lagu horumariyo.
Arrintaas iyada ah meelaha ay khusayso waanu gaadhsiinay waraaqaheeda iyo
warkeeda, qaranka Somaliland-na waxaanu jecellahay in aan u iftiimiyo
waxa jira.”ayuu yidhi Biixi.
Waxaanu intaas ku daray “Sida dadka qaarkii arrinta
u dhigaan ee yidhaahdaan DP World bay dacweeyeene innaga (Somaliland) inamay
dacweyn, DP World innagaa heshiiska la galnay, goobta lagula galay ee laga
wada-hadlayaana waa Somaliland oo waa Berbera, DP World-eey maxaad
Berbera u tagtay oo aad heshiis ula gashay ninka lihina waa ninka Muqdisho ka
taliya.”
Madaxweynuhu wuxu sheegay in dhamaan wixii shirar
loo qabtay Soomaaliya aana marna Somaliland ku jirin, isagoo arrintaasi ka
hadlaya waxa uu yidhi “Markaan taariikhdii hore ee aynu in badan ka hadalnay ee
qoraalka ah aynu iska dhaafno waxa aynu kasoo qaadaynaa markii dawladdii
Militeriga ahayd ee jabhaduhu la dagaallamayeen laga adkaaday aynu ka bilowno
1991-kii, wixii shir loo qabtay Koonfur oo ay ugu horreeyaan kuwii Xasan
Guuleed qabtay ee labada shir ahaa ee Jabuuti, Somaliland shaqo kuma lahayn,
wefti uma diran, caalamkuna wuu ogyahay, iyaguna way ogyihiin, wixii ay dawlad
dhisanayeenna midna shaqo kumaynaan lahayn. Shirkii kale ee dawlad lagu dhisay
waxa uu ahaa kii Carta, waxaana dawlad loogu dhisay Soomaalidii Talyaanigu
gumaysan jirey, Somaliland-na shaqo ay ku lahayd dawlad ahaan may jirin,
Somaliland qayb kama ay ahayn Carta, sidii ay wax u qaybsadeen iyo weftigoodii
midna, way jiraan ashkhaas tagtay oo reer Somaliland ah laakiin waxa ay
ahaayeen qolo gef ka gashay qaranka, markii ay yimaadeenna waad ogaydeen in
qaar la xidhay, qaran ahaanna uu ka yaallay xeer. Haddii laba qaran la
yahay waxyaabaha qadafka ah ee aanad qofka xaq ugu lahayn oo meel ah oo aad ugu
soo gabbato aan lahayn waa lagala baydhaa.”
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray, “Labada
dawladood waxa ay midoobeen oo Xamar isugu tageen 1960-kii, 33-kii xildhibaan
ee halkan ka tegay iyo 90-koodii iyo wixii oo la isku daray oo aynu aqbalnay oo
aan ahayn wax laga heshiiyey, yeelkeedee caalamka loo gudbiyey waxa ay ahayd
Somali Republic oo labadaas ka kooban oo mustacmaradihii Ingiriiska iyo
Talyaaniga ah, magaca Qaramada midoobay yaalla ee ay dhaca iyo gardarrada ku
sitaan waa kaas,”
“Somaliland waxa ay taagan tahay laba dawladood
oo isu tegay ayeynu ahayn, soddon sano oo kadeed ah oo khilaaf ah baynu u
taagnayn, labadii dawladoodna mid waliba dhankiisa ayuu wax u dhistay, Haddii
walaaltinimo la doonayo oo midnimo la doonayo oo shicibka koonfureedow
lexejeclo Soomaaliyeed idin hayso, waxa kaliya oo aynu isugu iman karnaa inaga
oo laba dawladood oo walaalo ah oo is qaddarinayna, iyada oo saaka Xamar
Baarlamaankeedii laba qol u kala fadhiyaan oo isku dilayaa, oo ay Kismaayo
dawlad gaar ah oo ay Baydhabo mid gaar ah, tahay oo Banaadir mid gaar ah oo ay
Garoowe mid gaar ah tahay, ray’iga qudha ee intaas oo dhammi ku heshiiska
yihiinna tahay Somaliland annagaa dusha ka xukunna oo ma noolaan karta oo ma
shaqaysan karto.”ayaa yidhi.
Madaxweynuhu waxa uu baaq uu ku sharraxay
aragtida Somaliland ka qabto gardarrada Soomaaliya u diray dawladaha caalamka
iyo urur-goboleedka ay ku bahoobeen dawladaha Afrikada Bari, “Dawladaha Jaarka
ah, IGAD iyo caalamka waxa aanu u sheegaynaa arrintaas ay soo faro-gelisay
dawladda Muqdisho ee mashaariicda Berbera waa weerar cad iyo faro-gelin, umana
dul-qaadan karno, Somali Republic-gga qaramada midoobay aqoonsadeenna waxaanu u
aragnaa inay eexasho ka galeen shicibka reer Somaliland, waana ka dacwoonaynaa,
caalamkana uga daali mayno in aanu gardarrada dhacda sidii loo sixi lahaa
galno, Somaliland-na waxaan leeyahay taas ku niyad-jabi mayno innanna dhibi
mayso, isla markaana baaq u diray beesha caalamka,”
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay
xidhiidhka dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Jabuuti
waa walaaladeen, arrimaha siyaasadda ee jirana innagu nabad iyo walaalo ayeynu
ka nahay, DP World oo kasoo guurtay oo Berbera timi waa arrin ganacsi, markaad
shaadh iibsanaysona tukaan baad gashaa, haddaad af garanweydona ka ku xiga uun
baad ka iibsataa, ma aha in Jabuuti halkan (Somaliland) waxyeello kaga
duulayso, mana ah haddii ay Jabuuti iyo DP World is qabtaan mid Somaliland
belaayo kaga soo duulayso, muhiimadda iyo walaaltinimada aynu nahay baa ka
weyn, wax la buun buuniyo oo marmarka qaarkood dadku wax ka dayaan in
innaga iyo DP World dhex marayaa xidhiidhka Jabuuti wax yeelayona ma ahee
waxa aynu isu nahay baa ka weyn, wanaagna wuu inaga dhexeeyaa, wax khilaaf ahna
ma lihin, mad-madowna halkaas kuma jiro,”.
Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi ka hadlay xaaladda abaareed ee Somaliland mar kale kasoo cusboonaatay,
waxaana uu wax ka beddelka xaaladdani waqti dheer qaadan doonto, waxaana uu
yidhi, “Ilaahay Baryo uun baynu ku leenahay iyo inuu inoo celiyo noloshii uu ina
baray ee raxmaadka iyo barwaaqada ahayd inuu inoo soo celiyo uun baynu ka
baryeynaa, hase yeeeshee caalamka waxa aynu u sheegaynaa in cimilada is
beddeshay iyo abaaraha is-daba joogga ah ay maantana Somaliland ka taagan tahay
dalka intiisa badan oo roobkii sanadkanna seejiyey, waxa aynu ka qabanayno iyo
nolosheenu sida ay noqonaysaana waqti dheer bay qaadanaysaa.”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.