4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Israsaaseyn dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Israsaaseyn khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababatay ayaa duhurnimadii maaanta ku dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya halka loo yaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile.

Goob joogayaal ayaa sheegay in iska hor imaadkan uu yimid khilaaf ku saabsan dhul hore ay u lahayeen ciidamada xoogga dalka oo haatan ay dad deegaan ka dhigteen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada milatari ah oo doonayay in ay si qasab ah uga raraan qoysas degenaa deegaankaas ay isku dhaceen ciidamo kale oo ka tirsanaa milatariga kuwaas oo diidanaa in qoysaskaa laga raro halka ay ku noolaayeen sanooyinkii la soo dhaafay.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhintaan dad shacab iyo weliba qaar ka mid ah ciidamada dagaalamay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad rayid ah.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada iyadoo ay soo noqnoqdeen iskahorimaadyada u dhexeeya ciidamada dowlada kuwaasoo sababa in ay dad rayid ah wax ku noqdaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]