4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 29, 2018
Guddigii Aqalka sare ee xalinta Khilaafka Golaha Shacabka oo la kala diray

 

Khamiis ,Maarso, 29, 2018 (HOL) – Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in guddiga Joogtada Aqalka Sare uu kala diray guddigii uu u xil saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka, kaddib markii ay ku guuldareysteen waan waantii ay ka dhex wadeen labada dhinac.

Kulanka guddiga joogtada ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana la sheegay in saddex ka mid ah xubnaha Guddiga ay u gudbiyeen istiqaalad ay isaga casileen Guddiga.

Xubnaha is casilay ayaa kala ahaa Senator Maxamed Amiin, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed Axmed Mashruuc.

Warar ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegay in guddiga uu soo kala dhaxgalay khilaaf la xiriira habka loo wajayo xalinta Khilaafka Golaha Shacabka oo maalmihii ugu danbeeyay Aqalka sare uu siweyn ugu howlanaa.

Xildhibaannada Golaha Shacabka qaarkood ayaa ku eedeeyay guddiga Aqalka sare in uusan dhaxdhaxaad ka aheyn Khilaafka Golaha Shacabka oo ay la safteen dhinacc kaliya.

Waxaa muuqata in hadda Khilaafka u dhaxeeya xildhibaannada golaha Shacabka uu gaaray heerkiisii ugu sareeyay marka la eego fariimaha ay isku gudbinayaan labada garab ee Baarlamaanku u kala jabay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]