4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 29, 2018
Somaliland oo ka hadashay dacwadii dowladda Soomaaliya ay u gudbisay Qaramada Midoobey

 

Khamiis ,Maarso, 29, 2018 (HOL) –Wasiirka  Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay markii ugu horeysay dacwadda dowladda Federaalka Soomaaliya ay Imaaraadka Carabta uga gudbisay golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Abuukar Daahir Cismaan danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada oo khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 27-kii bishan wuxuu Dacwad ka dhan ah wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka, taasi oo ku saabsan Saldhigga Berbera iyo heshiiska DP-world.

Wuxuu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland in ay xaq u leedahay in ay ka taliso dhulkeeda, Badeeda iyo Hawadeeda, maadaama uu sheegay inay buuxisay shuruudihii wadan ee laga rabay.

“Soomaaliya xaq uma laha in ay ka hadasho, dadka Somaliland maanta ku nool waa dad is bxiin kara, annaga ma nihin Gobol, waxaan nahay wadan degan, oo jecel jaarkiisa” ayuu yiri Wasiir Sacad.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysann jirin wax mad madow ah oo soo kala dhexgalay Somaliland iyo Qaramada Mdioobay, maadaama maalmahan dambe ay soo baxayaan warar ku saabsan in khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in maamulka Dekeda Berbera mudo ku dhow sanad in ay gacanta ku heyso shirkadda DP World, balaarinteedana la dhameeyay, heshiiskaasina uusan noqon doonin mid burbura.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]