4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 29, 2018
Nin ayaa laba qof ku dilay masjid ku yaal Suudaan



Khamiis, Maarso, 29, 2018 (HOL)-Ninkan oo ku hubeysnaa Mindi ayaa tooriyeeyay laba qof oo uu ku jiro imaamka Masjid ku yaal goboka Kassala ee bariga dalka Sudan.

Sarkaal ka tirsan Booliska dalkaasi oo lagu magacaabo Yaxya Al-Haadi ayaa sheegay in nin xagjir ah uu isku dayay in uu khudbad ka jeediyo masjidka, kadib markii ay u diideen maamulkii Masjidka uu tooriyeeyay Imaamkii iyo dhowr qof oo kale.

Waxa uu xusay in ninkan oo aan magac ahaan la aqoonsan ay markii danbe dileen dadkii masjidka ku cibaadeeysanayay.

Ilaa hadda ma cadda sababta ninkaasi ku kaliftay in uu dil ka geeysto gudaha masjidka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.