4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Qarax gaari oo goor dhaw ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Zoobe

 

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) –Qarax lagu soo xiray gaari ayaa goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogey Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Gaarigan ayaa la sheegay in ay la socdeen saddex dhalinyaro mid ka mid ah la sheegay in uu dhaawac soo gaaray, waxaana uu gaar ahaan qaraxa ka dhacay agagaarka is-goyska Zoobe.

Hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka ayaa waxaa ay sheegeen qaraxan nuuciisa in uu ahaa mid loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan baaritaano.

Qaraxyada ayaa u muuqda kuwa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dadku arintan cabsi weyn ka muujinayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]