4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Minnesota shir Jaraa'id gurmadka dhibanayaasha gargaarka degaanka Balbaleeyti Itoobiya.

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) - Culumadda Masaajidada iyo Odayaasha gobolka Minnesota ayaa shalay shir jaraaid ku qabtay gudaha Masjidka Umuttu Islaam iyagoo uga gol lahaa shirkaan jaraaid inay wareejiyaan lacago ay masaajidada gobolka Minnesota ugu tala galeen dadka ku waxyoolabay Colaadaha ka jira dagaanka Balbalayti ee dalka Itoobiya , lacagtaan oo lagu wareejiyey hay’ada Vision Reilef  ayaa dhameed boqol iyo labo kun oo dollar.

 

Dagaalo u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada ayaa laga soo sheegayay gudaha dalka Itoobiya ,iyadoo lagu soo waramo in xasuuq ka dhacay dagaanadaa, Waxgaradkii ka hadlay shalay ayaa sheegay in lacagtaan ay tahay mid samafal ah looguna talagalay dad dhaawac ah oo ku dhibaataysan dagaanadaa halkan hoose ka daawosharkaan Jar’aaid.



 

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online

Minneapolis MN