4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Golaha Amaanka oo waqti kordhin u sameeyay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

 

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) - Golaha Amaanka ee QM ayaa Talaadadii shalay meel mariyay Qaraar waqtiga loogu kordhiyaya Xafiiska QM ee Soomaaliya oo la gaarsiiyay illaa 31-ka March 2019.

Goluhu waxaa uu isla gartay muhiimadda taaageeradda howlgalka UNSOM Soomaaliya, gaaar ahaan taageridda dadaaladda Nabadda ee Dowlada Faderalka ah ee Soomaaliya iyo Nidaamka Dib u Hishiisiinta, sida lagu sheegay Qaraarka oo ay soo jeedintiisa iska lahayd Boqortooyadda UK.

QM waxay sidoo kale ku celisay Xushmadda ay u heeyso Madaxbanaanidda, dhuleed iyo Siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya, Qaraarka QM ayaa sidoo kale ku baaqay in laga hortago wax kasta oo xasarad gobolka ka Abuuri kara iyo muranka  hoos u dhaca ku keeni kara Soomaaliya.

Xafiiska UMSOM waxaa la aasaasay 3dii Jun 2013 kii, waxaana lagu asaasay Qaraar labmarkiisu ahaa 2,102, ujeedaduna waxay ahayd in uu Caawiyo Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya.

Waqtiga Xafiiska UNSOM wuxuu ku ekaa 31 Bishaan, waxaase uu sii shaqayn doonaa illa iyo 31 ka March 2019, sida uu ogolaaanayo Qaraarka Golaha amaanka ee QM oo tirsigiisu yahay 2408.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]