Maamulka Koonfur Galbeed oo faah faahin ka bixiyay xildhibaan xalay lagu dilay Muqdisho
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah
faahin ka bixiyay dil magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa
baarlamaanka maamulka oo lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir (Gabbane).
Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxa ay xildhibaanada ku
dileen gudaha Farmashiye ku yaalla Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa
uga fogeyn isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku
simaha Guddoomiyaha Aweys Xassan Maxamed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa
sheegay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed marka hore ay
uga tacsiyadeynayaan geerida Marxuumad Ruqiyo
Wuxuu sheegay in Ruqiyo ay ka
mid aheyd gabdhaha ugu firfircoon ee ka tirsan Baarlamaanka, sidoo kalena aheyd
qof furfuran oo xildhibaanda ay jeclaayeen sheekadeeda iyo furfurnaanteeda.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa dilka xildhibaannada ku eedeeyay in ay ka
danbeeyeen Ururka Al-shabaab, isaga oo intaa ku daray in dowladda looga baahan
yahay in aad uga fakarto ammaanka caasimadda, maadaama ay tahay meesha ay sida
gaarka ah uga taliso.
“Allaha u naxariisto xildhibaanada
gacan ka xaq daran ayaa dishay, waxa ay aheyd qof dabeecad ahaan wanaagsan, oo
furfuran, dowladda federaalka waxaan ka dalbaneynaa in ay cadaalada horkeento
raggii ka dambeeyay dilka xildhibaanada.” Ayuu yiri Guddoomiye Aweys.
Waa xildhibaankii Labaad ee ka geeryooda Baarlamaanka hadda jira ee Koonfur
Galbeed, maadaama 7-dii bishan Qarax Miino oo ka dhacay degaan u dhaxeeya
degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn lagu dilay Wasiiru Dowlihii
Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali, sidoo
kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa Maamulka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]