4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Baarlamaanka Galmudug oo kulankoodii ugu horeeyay wada jir maanta ugu yeelanaya Dhuusa-Mareeb

 

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta kulanoodii ugu horeeyay ku yaalanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah Galmudug.

Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa 26-kii bishan lagu mideeyay magaalada Dhuusa-mareeb, kaddib munaasabad halkaasi ka dhacday oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Kulanka waxaa shir guddoomin doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, waxaana xalay xildhibaanada lagu wargeliyay in uu jiro kulan maanta oo Arbaco ah.

Baarlamaankan oo noqonaya kii ugu tirada badnaa marka loo eego baarlamaannada kale ee dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan ayaa tiradiisa lagu sheegay 178 xildhibaan.

Ajandayaasha maanta la filayo in kulanka looga hadlo ayaa waxaa ka mid ah ka doodista wax ka badalka Xeer hoosaadka Baarlamaanka, isbarashada Xildhibaanada labada dhinac iyo dib u eegista Dastuurka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa xilligan wixii ka dambeeya waxa ay ku shaqeyn doonaan Magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud, maadaama heshiiska uu ahaa in kulamada Baarlamaanka lagu qabto Cadaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]