4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xiisada Beled-Xaawo

 

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) - Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshay magaalada Mandera ee gobolka waqooyi Bari, ayaa isku afgartay in la joojiyo dhismaha darbiga dowladda Kenya ay ka dhisneyso xudduuda.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la soo celiyo degenaanshihii, islamarkaana la joojiyo darbiga Kenya dhiseyso, inta xal laga gaarayo tabashooyinka ay qabaan dadka reer Beledxaawo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed ayaa sheegay in shirkii dhacay uu ku soo dhamaaday is afgarad, isla markaana uu xigi doono shir kale oo ay yeelan doonaan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya.

‘’Waxaan isku afgarannay in la hakiyo dhismaha darbiga ilaa iyo inta ay arintan ka wada hadlayaan madaxweynayaasha labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Kenya’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Isku duwaha ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in la dhameeyay arrimihii ka dhashay xiisada, isla markaana wax kasta laga heshiiyay, isagoo ugu baaqay shacabka Mandhera iyo Beledxaawo inay soo celiyaan walaaltinimadii iyo xiriirkii ka dhaxeeyay.

Xiisada ka taagneyd Beledxaawo ayaa cirka isku shareertay, markii gawaari cagaf cagaf ay leeyihiin Kenya ay burburiyeen guryo ku yaalla xaafado ka tirsan Beledxaawo, halkaasoo godod laga qoday.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maalmo ka hor dhex maray wada hadal khadka taleefanka, waxaana xiisada ka taagan xuduuda u saareen guddi, isla markaana isku afgartay in la hakiyo dhismaha darbiga ee ay xiisada ka dhalatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]