Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) – Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada
Midoobey Abuukar Daahir Cismaan ayaa
khudbad uu u jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, wuxuuna Dacwad ka dhan
ah dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay.
Danjiraha oo khudbadiisa ka koobneyd ilaa Saddex bog ayaa waxaa kaga hadlay
heshiiska shirkadda DP World ee dekedda Berbera iyo arimo kale, wuxuuna
Imaaraadka Carabta ku eedeeyay in uu ku kacay xad-gudub ka dhan ah xornimada iyo
madax banaanida dalka Soomaaliya.
“Dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka
lagula kacay, waxaana ay qaadi doontaa wax walba oo ay ku ilaalin karto
qaranimadeeda iyo jiritaankeeda, cidna ugama heybaysaneyno in dhulkeena lagu
soo xadgudbo” ayuu yiri Danjire Abuukar.
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayuu ugu baaqay in tallaabada lagama
maarmaanka ah ka qaataan arrinta saldhigga Millateri ee Imaaraadka carabta ka
dhisanayo Berbera iyo heshiiska DP World, taas oo uu xusay inay caqabad ku
noqon karto cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka wada tirsan UN-ka, Arab League iyo
Ururka Islaamka (OIC), shuruucdoodana waxaa ka mid ah in wadan uusan wadan kale
ku xad gudbi Karin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]