4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Xildhibaannad ka tirsaneyd Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo caawa lagu dilay Muqdisho

 

Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) – Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa caawa ku toogtay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho Haweeney ka tirsaneyd Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

Dadka degmada ayaa sheegaya in illaa labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen Xildhibaan Ruqiyo Abshir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xildhibaannada lagu toogtay gurigeeda oo ku dhow nawaaxiga Isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis.

Inta badan Xildhibaanada ka tirsan maamul goboleedyada qaar ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.

Nabad-galyada magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid sii xumaaneysa, waxaana maalihii ugu danbeeyay ku xoogeysanayay dilalka iyo qaraxyada oo galaaftay nolasha dad badan Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]