Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) - Maraykanka, Canada, Ukraine iyo afar iyo
toban dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in ay
dalalkooda ka eryayaan boqolaal dublomaasi oo Ruush ah, sababtuna tahay
weerarkii sunta habdhiska dareen wadka disha loo adeegsaday ee ka dhacay
Ingiriiska.
Madaxweyne Trump ayaa amar ku bixiyey in lixdan ka tirsan shaqaalaha
safaraadda Ruushka oo lagu eedeeyey basaasnimo dalka laga saaro. Ukraine iyadna
waxay eryaysaa saddex iyo toban, halka dhawr dal oo kale oo ay ku jiraan
Faransiiska iyo Jarmalku ay iyaguna midkiiba afar dublamaasi eryay.
Wasiirka arimaha dibadda Jarmalka, Heiko Maas, ayaa sheegay in Ruushku aanu
weli jawaab ka bixinin sababta sun la sameeye xilligii Soofiyeetka loogu
adeegsaday weerarka lagu qaaday basaas hore oo la yidhaa Sergei Skripal iyo
inantiisa oo haatan aad u il daran.
Madaxa golaha hogaanka Midowga Yurub, Donald Tusk, ayaa markii uu
shaacinayey eriga dublamaasiyiinta waxa uu sheegay in dhici karto in
diblomaasiyiin kalena la eryo.
Ruushka ayaa tallaabada dalalkaasi ku eryeen dublamaasiyiintiisa ku sheegay
in ay tahay mid “daandaansi ah oo colaadeed” waxaanu wacad ku maray in uu ka
fal celin doono.
Af-hayeenka Aqalka Kremlin ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in go’aanka kama
dambaysta ah Madaxweyne Vladimir Putin gaadhi doono.
Mar sii horraysay ayaa danjiraha Ruushka u fadhiya Maraykanka, Anatoly
Antonov, waxa uu sheegay in Maraykanku burburinayo intii yarayd ee ka sii
jirtay xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka.
Moscow waxay mar kale ku celisay in aanay wax wacaal ah ka haynin sunta
disha habdhiska dareen wadka ee la sheegay, waxaanay maamulka Ingiriiska ku
eedaysay in uu qaatay mawqif “gurracan oo qallooca isla markaana cuqdadi
dhaamisay”.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]