4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay xiisada xudduuda ku saabsan ee Beled-Xaawo

 

Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) - Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage oo wareysi siinayay Idaacada ku hadashay Afka kooxda ee lagu magacaabo Andalus ayaa ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo.

Afhayeenka ayaa sheegay in aysan aheyn tallaabada ay Kenya qaaday markii ugu horeysay wuxuuna tilmaamay in Kenya ay ku soo duushay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya, isaga oo sheegay in falkan uu yahay mid u eg daan-daansi.

Waxaa uu ku eedeeyay maamulka Jubbaland in ay raali ka yihiin waxaa sida uu hadalka u dhigay e’ in Kenya ay xadgudub ku soo sameyso dhul Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in aysan u suuragali doonin in Kenya ay heysato dhul Soomaaliyeed.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Beled Xaawo ku ammaanay qaabka ay uga dhiidhinayaana tallaabooyinka Kenya ay qaadeyso.

Sidoo kale Afhayeenka Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ololaha ay wadaan shacabka Beled Xaawo oo ay isaga difaacayaan Kenya, isaga oo intaa raaciyay in arrintan aysan u dulqaadan doonin oo ay jawaab ka bixin doonaan.

“Dowladda Kenya ma ahan markii ugu horeysay oo ay qabsato dhul Soomaaliyeed oo dad muslimiin ahna ay gumeysato, waxaa ay ku soo duushay qeybo badan oo ka mid ah dhul Soomaaliyeed, waxaan u aragnaa dulmi iyo duulaan, marna ma aqbaleyno in Kenya ay ku soo xad gudubto dhul Soomaaliyeed’’ ayuu yiri Cali Dheere.

Bulshada ku dhaqan degmada Beled-Xaawo ayaa maalmahan waday olole xooggan oo ay kaga hortagayaan qorshaha dowladda Kenya ay ku doonaysay inay dari kaga xayndaabto xuduuda labada Magaalo ee Mandhera iyo Beled- Xaawo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]