4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Dil xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) – Rag hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen mid ka mid ah dhalinyarada degmada oo si weyn loo garanayay, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Ninka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mayoow Cabdullaahi Xusseen, kaasi oo ay da’diisa u dhaxeysay 20 ilaa 30 sano.

Qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa warbaahinta u sheegay Wiilkooda uu ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Bajaajta, islamarkaana aysan ogeyn sababta loo dilay.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa u dhaweyd barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo aan ku soo bixin sida ay goob joogayaal sheegeen falka dilka ah ee dhacay.

Degmada Afgooye ayaa ka mid ah deegaannada ay dowlada maamusho oo ay ka dhacaan falalka ugu badan dilalka lagula koco dadka rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]