4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Galmudug oo yeelatay xubnihii baarlamaan ee ugu tirada badnaa dowlad gobolleedyada

 

Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL) - Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska midowga Labada Baarlamaanka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa lagu qabtay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiska isku darka labada Baarlamaan, kaasoo ka dhigaya tirada Baarlamaanka Galmudug kan ugu ballaaran baarlamaanada dowlad goboleedyada.

Guud ahaan marka la eego tirada baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in ay dhan yihiin 178 Xildhibaan, iyaga oo noqonaya tiradii ugu badneyd ee uu yeesho baarlamaanka mid ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in Galmudug ay guul gaartay, wuxuuna tilmaamay in uu dhaqan galay balanqaadkii ay sameeyeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug ay ku shaqeeyaan xaruntooda Cadaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]