4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2018
Wararkii ugu danbeeyay ee Muqdisho iyo Qaraxyo maanta ka dhacay

 

Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) – Ugu yaraan Shan ruux oo ay ka mid ahaayeen Askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof ismiidaamiye ah ayaa ku dhintay Qarax galabta ka dhacay Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.

Goob jooge ayaa sheegay in Qaraxan uu dhacay xili ciidamada ku sugnaa Isgoyska ku howlanaayeen baaritaanka gadiidka Waddadaasi isticmaala, waxaana la sheegay in Askariga dhintay uu waqtiga ku guda-jiray baarista gadiid uu ka mid ahaa gaariga is qarxiyay.

Toddobaadkii hore ayeey ahayd markii qarax ka dhacay agagaarka Hoteelka Weheliye  ay ku nafaayeen dad ka badan 17 qof.

Qaraxan galabta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu soo beegay isla maanta markii uu Qaraxa kale ka dhacay dulleedka Muqdisho kaddib markii gaari ay daba joogeen ciidamada Booliiska uu ku qarxay meel aan ka fogeyn degmada Kaxda.

Ciidamada dowladda ayaa heegan buuxa ku jira, waxaana lagu arkayaa dhamaan isgooysyada caasimada iyo koontaroolada ka baxsan ciidamo si gaar ah ula socda dhaqdhaqaaqa gadiidka, walow haddana dhinaca kale ay sii socdaan Qaraxyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]