4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2018
Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday dhalinyaro ku eedeysan farsameynta qaraxyada

 


Axad, Maarso, 25, 2018 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Axad ah xukun Maxkamadeed waxaa ay ku riday eedeysanayaal loo heystay ka mid noqoshada ururka Al-shabaab.

Ragga maanta xukunka lagu riday oo Saddex ah ayaa waxaa ay kala yihiin Maxamed C/raxmaan Maxamuud 30 sano jir ah oo Shabeellaha Hoose ku dhashay, Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan weerar oo labaduba Muqdisho ku dhashay.

Maxamed C/raxmaan Maxamuud ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Shabaab, una qaabilsan yahay qeybta Qaraxyada, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay inuu yahay Macalin bara sameynta Qaraxyada laba eedeysane ee kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Xassan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay Jamaal iyo Aadan in lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, una qaabilsanaayeen qeybta Qaraxyada.

Wuxuu sheegay Gaashaanle Shuute ciidamada ammaanka raggan in ay soo qabteen iyada oo ay qarax ku diyaarinayeen guri ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay raggan in ay Maxkamadda ka hor qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, lana dhageystay doodii u dhaxeysay xeer ilaalinta iyo Qareennada difaacayay raggan.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maxamed C/raxmaan Maxamuud waxa ay ku xukuntay xabsi daa’in, iyada oo Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan weerar ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ciidan ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]