Axad, Maarso, 25, 2018, (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid
ayaa sheegaya in xalay Bam gacmeed lagu weeraray guri ay deganaayeen dad shacab
ah.
Labo ruux ayaa la sheegay in Bam gacmeed ku dhaawacmeen sida ay warbaahinta
u sheegeen goob joogayaal, waxaana dad dhaawacmay ay kala ahaayeen Gabar iyo
Eedadeed.
Dhaawacyada labada ruux ayaa la sheegay dhigay isbitaalada maxaliga, waxaana
la sheegay in xaaladooda aanay halis ku jirin, marka laga reebo firiro galay.
Wararku waxaa ay sheegayaan qoyskan Bam gacmeedka lagu weeraray ayaa sanadkii hore 2017 waxaa gurigooda
hortiisa ku qarxay gaari uu lahaa wiil ay ehel ahaayeen, kaddib markii
waxyaabaha qarxa loogu xiro oo uu u dhintay, waxaana lagu magacaabayay Xasan
Maxamuud oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay qoyska dhibaatada ka soo gaartay bam
gacmeed oo markii horena qof ehel ahaa looga dilay qarax, waxaana ay tani ka
mid tahay dhacdooyinka xanuunka leh ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]